weedhsame Tixdan oo magaceedu yahay “Higil”

Tixdan oo magaceedu yahay “Higil” waxa halabuuray Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame). Waxay ka tilmaamaysaa tubta uu aadamuhu ku guuleysto oo ay u aragto hanka, himilada hayalka-san. Waxay dhiirrigelinaysaa damiirka suubban iyo fallaadka hufan, iyada oo ka digaysa hunguriga oo horseed u ah alabbada hadimeeya horusocodnimada qofka. Guud ahaanna, waxay ku qotontaa falsafad dhiirriyeysa dadnimada hufan iyo qofnimada suubban. Waxay curatay bishii August ee 2010, waxaanay ka mid ahayd suugaan uu Abwaanku toddobaadkii tegay ku soo bandhigay Hargeysa. Waxay ku ibo-furatay:

Nimaan hadal hooyadii

Hadhuub ma tidhaahdo hoo

Haaheey af-gobaadsigana

Habeen baa lagu dhaxaa

Saaxiib huga eegayana

Jiilaalkaad kala hadhaan

Heer heer weeyaan da’duna

Wedkuna waa lama huraan.

Hantida rajadaa ka weyn

Hammiga fulintaa ka roon

Kasha laga hawl galaa

Kaskuna halistuu tusaa

Hantaaqo ishaan arkayn

Dadkana hoodaan masayn

Adduunkuna waa hagbade

Hadhow iyo waa kalkaa

Dantuna waa hadal-yaqaan.

Hoo-duna waa ii hambee

Haye-du waa igu hallee

Faq hoosana waa huraal

Kalsooniyo hiil dahsoon.

Furfuray haantaan lingaxay

Runtaan huurshaa baxdee

Toloow yaa helay sirtii?

Hanneeyey hashii luntee

Hadhiinooy yeelkadaa

Hadhuubka la heemiyoow

Ciddii huubaha lahayd

Hambada orodoo u gee.

Haldhaa geri baan jeclaa

Inaan hootada daree

Halgaad iga baydhaybaa

Heddaada jartee ogow.

“harraad biyo maad na siin

Bishaaro hungooy bal sheeg

Hawaawi dantayda qumi

Dhedooy haamaha biyee

Hantaaqooy noo miciin

Heydaarooy waan ku tebay

I hano beeneey i hoo”

Haasaasuhu waa sidaa

Hog baan degayaa xidhxidhan!!

Ma joogo halkii shalay

Gadaal uma haybsan karo

Hankaygu wuxuu ka koray

Haddana ma hilmaami karo

Xasuusaha heerinka

Hammiyo gocashaan dugsaday

Hir iyo laac baa i hoday

Intaan helay maan hambayn

Intaan huray maan hibayn

Hubaal nafta maan habayn

Ka hiiliyey haybaddii

Hillaabtay hagoog iblays

Alleylehe waan haftee

Higsoow daalaye i daa!!!!!!

Han-weynidu yaab lahaa

Hilbay nacaysaa ag yaal

Hibaaqa hareerigee

Haadaan ka lushee fogbay

Misana ku hadaaqaysaa,

Hal bay hal ugeynaysaa

Hal baanay ka goynaysaa

Hadhaa hal ka buuran bay

Misana kugu hawlasaa,

Go’doon iyo hayjad bay

Habeen kugu oodaysaa

Huluul laga maagay bay

Hayaan kugu geynaysaa

Dadkoo hilin jeexday bay

Hareer uga baydhaysaa

Naftay la heshiisay bay

Hujuun ku bilaabaysaa!!!!!!!!

Dareenku hal-gaabanaa,

Hilowgu jahayn ogaa

Dardaaranka habi ogaa

Habheeb kuu diri ogaa

Halgaad kuu dagi ogaa

Hufnaantuna dhibi ogaa

Naftuu helay uu hagaay

Hunguri waa meel sokee

Hilbiyo sharaf waa midkee

Han iyo shilin keed rabtaa?

Damiirku hagaagsanaa

Hormoodnimo fiicanaa

Markuu hayin kuu noqdaad

Habaas laga baaqsadaa

Hayaankana wuu ladhaa

Haloosiyo toobiyuu

Hir doogle ku geynayaa,

Wixii ku hoduu hiraa

Kashuu hal’adayg faraa

Samuu u horseed noqdaa

Xumuu ka hagaag idhaa

Hankana himiluu tusaa

Halyey diriruu noqdaa

Markay ku bidaan hocoo

Hawaankana wuu nacaa

Halbeega runtuu sidaa

Hawraarta dantuu tirshaa

Haddeer wax taaganbuu

Hadhow ka hilaadiyaa.

Wuxuu hebel ruuxu yahay

Intaanu heshiis la gelin

Hawaawiga laacdanka’a

Naftiisa markuu hagrado

Hadhkiisa markuu dirsado

Hambana qaatuu darsado

Sidii awrkiyo hashii

Habeed goortuu marsado

La hiif-hiif lana habaar

Haasaawaha lagu cidlee

Nin toocsiga lagu hujuun

Agtiisana laga hayaan

Ceebtiisana lagu hadaaq

Hadoodilan weedh dahsoon

Kor iyo hoos loogu maag

Hugiisu xasuusan waa

Kolay tahay hooyadii

Nafluhu hadh u jiidi waa.

Indhaha lagu halacsadaa

Naflaha lagu harawsadaa

Waxay kashu huursataa

Wejigu heel soo dhigaa

Huruufkuna waa dhambaal

Haamuu awrkaasi sido

Is-leeg buu kula hinqaday

Dadkuna hayin kama dhacaan.

Duruufaha kugu hurdaa

Awood hinjisay rabaan

Umaad dhalan hootadee

Hilaadaha kaa gadmaa

Hariiryaha kugu dhigee

Adiyo hooskaad rabtana

Haadaan baa kala dhex taal

Kartiyo waa howl-karnimo

Buundada lagu halabsadaa!!!!

Kaliilaha haad qattani

Hadh iyo hoosiis ka soon,

Dhashaanu hilmaamsanayn

Inay hilbo doonayaan.

Waxay naftu hadhac degtaa

Heemaaliyo sawraciyo

Hagoog iyo baadisooc

Markay leedahay hannaan

Hadday u higgaadiyaan

Qayrkeed kolba heel furan

Waxay hindisaan faraan

Waxay hidiyaan baraan

Inay tahay hoodadii

Waxay ka hawoon lahayd

Hadday ku hogaamiyaan

Waxay ku hagaagsanayd

Hadday ka habaabiyaan

Hugooga hadday tolaan

Hangoolkeedana qoraan

Habaarku ducuu noqdaa

Hadhow waxad haybisaa

Wixii mar la hawl yara

 

sayid maxamed abdale xasan

Hunguri Subeer

10/05/2014Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle XasanAw-Jaamac Cumar Ciise

Gabaygani wuxuu ka mid yahay gabayadii Halacdheere ku saabsanaaa, Hobyana ka billowday, loona waddamiyey bari, galbeed, koonfur iyo waqooyi, Sayidka oo la yiri wuu ka qaybqaatay wuxuu yiri:

Hunguri Subeer wuxuu ka ridi, hogobyo shaydaane
Mar haddaanu heeg dheer lahayn, ama hoggaan ceeja
Wax hubaal ah waa inuu ka iman, haradi ciideede

Waa waxaan habaaroo Ilaah, heeray boqontiiye
Hidyaa wadatay wiilkii, hadduu hilinka soo qaaday
Huwan muu u kaco kuma qaddeen, hodon qabeenkiiye

Hartidaba wax badan baa ku nool, hilib ugaareede
Koluu hiirad oo kale noqdoo, ibilka haaneedo
Bal maxaa Hobyuu u dhigay, arladu kala hoyaad roone

Hargawaaxiddii baan ku dilay, tuugga haysha lehe
Hanqarkii rasaastaa wadnuhu, la halcanaaye
Guutooyinkii loo humeey, hadafka raaceene

Hanbo kaa sugaa ama hoheey, kugu haguugaaba
Hanta nimaan lahayn looma tago, holaca jiilaale
Haaweyda aan dhacay maxaa, haatufka u geeyey?

Iyaguba halaaggaan badey, la hundhuraayaane
Daraawiish hinfirinimay wax badan, hanatay reerkiise
Waxay ka hanfariireenba waa, huubo dooro lehe

Hawiye iyo Daaroodba waa, hayb ka gooniyahe
Ma way sooryadiin helin karaan, ma hagranayaane
Miyey hadi karaayaan wax bixin, heliba maayaane!

Nin hammuunta kaa bi’inahayaa, lagu haddoomaaye
Mar hadduu hadaadumo, xarrago haybaddeed malehe
Haadaa qabiil nimaan ahayn, hibo miyuu dhiibi?

Qamaanow1 hiddada meel san baa, lagu hagaajaaye
Hadku waa hadkii idin khatalay, Haraddigeedkiiye
Hannaankiina nimankii yiqiin, weydinkii huraye

Haddaad diinta soo haybisaan, kuma hungowdeene
Haadaan waiaa idinku guray, habaski gaabnaaye
Hadalka Keenadiid buu maqlay, hayaad kale mooge

Haddeer iyo haddeer goor qallaa, halaba keenaaba
Haamaan idiin shubi lahaa, halab karuurkeede
Haleelooyinkaa idinku filan, hootanuugta ahe

Hareerihiinna waa dhigi, waxaad ku himbilyootaane
Intaad higis dhan soo qaadataan, halacna too raacsha!

Waxaan ka qoray Xuseen Aabi Cilmi Xaasey l965kii.
1.Qamaan: Qaman Bulxan Yuusuf oo ahaa gabayaa caan ah.